Xidlhibaanad Xaawo Qayaad “Haweenka ha midoobaan”

Keydmedia (Muqdisho) Xildhibaanad Xaawo C/laahi Qayaad oo ka tirsan Haweenka Baarlamaanka ayaa waxa ayaa ugu baaqaday Haweenka Soomaaliyeed in ay u midoobaan sidii dhibaatada ka jirta Dalka ay uga qaban lahaayeen.
Warar Keydmedia Online
Xidlhibaanad Xaawo Qayaad “Haweenka ha midoobaan”

"waxaa waajib ku ah Haweenka Soomaaliyeed ay u istaagaan sidii Xaaladan adag ee Dalka ka jirta isbadal loogu sameyn lahaa, waayo Haweenka waa laf dhabarka bulshada  isla markaana ay xiriir wadaag la yihiin dhamaan dhinacyada saameynta ku leh siyaasada Soomaaliya" sidaa waxaa tiri xildhibaanad Xaawo C/laahi qayaad oo saxaafada Muqdisho la hadashay.

Dagaalada ka dhaca Dalka inta badan waxa ay saameyn balaaran ku yeeshaan Haweenka iyo caruurta kuwaa oo ka barakaca guryahooda isla markaana la kulma nolal aad u adag, waxaana taasi cadeyn u ah tan iyo markii ay bilowdeen dagaalada tirada Soomaalida ah ee ka barakacay in laba meelood seddex meel ay yihiin Haween iyo caruur.

www.keydmedia.net




Warar 25 November 2020 19:57

Madaxweynaha ayaa ku fashilmay siyaasadda, hirgelinta Federaalka, amniga iyo qabashadda doorasho qof iyo qof ah oo uu balan-qaadey markii la doortay 4 sano kahor.