Xiisad ka taagan deegaano katirsan Galmudug

Xiisad colaadeed ayaa lagu soo warramayaa in ay ka taagan tahay deegaan ka tirsan Galmudug, halkaasoo ay hadda kahor ka dhaceen dagaal beeleedyo ay dad badani ku dhinteen

Warar Keydmedia Online
Xiisad ka taagan deegaano katirsan Galmudug

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Degaanka Qalaanqale oo ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa waxaa kasoo cusboonaaday saan-saan colaadeed oo u dhaxaysa dadka deegaanka ee halkaasi ku wada nool.

Deegaankan oo horay ay uga dhaceen dagaal beeleedyo ay dad badani ku dhinteen ayaa lakala dhex galay iyadoo odayaasha labada dhinac ee  ay dirirtu udhaxayso ay halkaasi gogol dhigteen, waxaana lag heshiiyay wixii horay ugadhacay ee la iska dilay labada dhinac.

Mar kale ayey u muuqataa saan-saan colaadeed oo dib uga billaabatay degaanka Qalaanqale, dowlad goboleedka Galmudug weli kama aysan hadlin xiisadda colaadeed ee kasoo cusboonaatay, iyadoo toddobaadkan shir udhaxeeya laba beelood oo looga hadlayay dagaalkii ka dhacay Xananbuuro ayaa waxaa weli gogoshii dib-u-heshiisiinta ku sugan odayaashii.

Maanta ayey ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay gaareen deegaanka Xananbuuro, waxaana dhinaca kale ay dib uga billaabatay colaaddii halkaasi ka taagneed deegaanka Qalaanqale oo aan aad uga fogeyn halka dagaalku uu ka dhacay bishii Febaraayo ee sanadkan.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.