Xiisad dagaal oo ka jirta gobolka Galgaduud

Dilal la xiriira aanooyin qabiil ayaa kusoo noq-noqday gobolka, oo ay ka jiraan dagaallo kale oo lagula jiro Al-Shabaab iyo mid u dhaxeeya Ahlu Sunna iyo Galmudug.

Warar Keydmedia Online
Xiisad dagaal oo ka jirta gobolka Galgaduud

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Xiisad dagaal oo u dhaxaysa malleeshiyo beeleed ayaa ka taagan nawaaxiga Balanballe, oo 90-KM galbeed uga beegan Caasimadda Galgaduud.

Labo Malleeshiyo beeleed ayaa isku horfadhiya tuuladda Turbi, halkaasoo maalmo kahor uu ka dhacay dil loo geystay labo qof oo shacab ah, kuwaasoo aanooyin qabiil loo qaarijiyay.

Dadka degaanka qaar ayaa billaabey inay isaga barakacaan guryahooda, iyagoo ka cabsi qabo inuu dagaal dhaco kadib markii ay arkeen saan-saanta colaadeed ee sii xoogeysanaysa.

Ma jirto cid kala dhexgashay xiisadda labada dhinac, taasoo qarka u saaran inay isku bedesho dagaal dhiig badan oo Soomaaliyeed ku daata. Galmudug ayaa lugaha la gashay colaad.

Dagaal beeleedyada ayaa mudo tobanaan sano ah ka socday Galgaduud, waxaana loo sababeynayaa muranka biyaha iyo daaqa, maadaama dadka dagaalamaya ay reer miyi yihiin.

Sidoo kale, Dilal la xiriira aanooyin qabiil ayaa kusoo noq-noqday gobolka, oo ay ka jiraan guluf ka dhan ah Al-Shabaab iyo dagaal cusub oo u dhaxeeya Ahlu Sunna iyo Galmudug.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 28 October 2021 17:40

Cabdirashiid Maxamed Axmed iyo wafti uu hoggaamin doono ee xubnaha Guddiga Batroolka, ayaa la rumeysan yahay in ay maalmaha soo socda ka ambabaxaan Muqdisho, si u soo xaraashaan xirmooyinka shidaalka Soomaaliya.