Xiisad ka dhalatay dil loo geystay labo ruux Gobolka Mudug

Wararka laga helayo degaanka Saaxo ee Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in maleeshiyaad hubeysan ay xalay halkaasi ku dileen laba qof oo dadka degaanka ah.

Warar Keydmedia Online
Xiisad ka dhalatay dil loo geystay labo ruux Gobolka Mudug

Dadkla la dilay ayaa waxaa la sheegay in ay ahaayeen xoolo dhaqato, isla markaana dilkooda loo aaneynaayo inay la xiriirto aanooyn qabiil oo hadda kahor ka dhacay deegaankaas.

Wararaka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in degaanka saaxo oo maalmahaan ay ka taagnaayeen xiisad dagaal oo u dhaxeysa laba beelood oo halkaa wada daga ay gaareen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda gaar ahaan kuwa Xasilinta Gobolka Mudug oo ah cutub isku dhaf ah (Galmudug iyo Puntland) oo horay loogu diyaariyay maareynta xiisadaha beelaha ka dhex dhaca ee kusoo laa-laabta gobolka Mudug.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Mudug ayaa sidoo kale la filayaa inay gaaraan halka uu dilku ka dhacay, si xal looga gaaro xiisadda ka dhalatay dilkaas.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.