Xiisad ka taagan Xadka Soomaaliya iyo Kenya

Dadka degaanka ayaa sheegay in Ciidamo badan oo ka socda dowladda Soomaaliya ay ku arkeen iyagoo aad usoo buux dhaafiyay degaanada xuduuda ku yaalla ee ku dhaw Mandheera.

Warar Keydmedia Online
Xiisad ka taagan Xadka Soomaaliya iyo Kenya

BELED-XAAWO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka ayaa Ciidamo badan geysay xadka Soomaaliya la wadaagto Kenya, saacado kadib markii maamulka Farmaajo xiririka u jaray xukuumadda Nairobi.

"Waxaan ku soo toosnay aragtida Ciidamada millatariga dowaldda Soomaaliya oo lasoo dhoobay xadka. Tani waa mid walaac badan leh, ”ayuu yiri Cali Cabdille oo ka mid ah dadka deegaanka.

Gawaarida tiknikadda ayaa la geeyay Xudduuda, qeybta Saddexaad, waxaana dhaq-dhaqaaqa socda ku qasabtay dadka deegaanka in ay bilaabaan in ay ka baxaan guryahooda, si ay uga badbaadaan dagaal dhex mara Ciidanka labada dal.

"Xaaladda taagan waxay saameyn ku yeelan doontaa is-dhex-galka ganacsi ee u dhexeeya Mandheera iyo magaalooyinka dhinaca Soomaaliya ku yaalla oo ka helno inta badan alaabaha ganacsiga," ayuu Cali hadalkiisa raaciyay.

Ganacsiga Mandheera ayaa ku tiirsan alaabaha uga yimaada Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho iyo Kismaayo, iyadoo dadka ku dhaqan aysan awoodin inay Nairobi wax ka keensadaan, maadaama ku fogtahay, jidkuna amaan ahayn.

Tallaabadan ayaa imaanaysa kadib markii DF ay sheegtay inay xiriirka u jartay Kenya, kuna amartay diblumaasiyiinteeda ku sugan Nairobi inay deg deg dalka ugu soo laabtaan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 3 August 2021 11:58

Waxaa la rumeysan yahay in Jibriil Saciid Cali Xuseen, ay gacantiisa ku maqan yihiin dad kale oo ajaaniib ah, kuwaas oo badankood la khaarijiyay kadib markii la isku fahmi waayay lacagihii ay Al-Shabaab u codsadeen madax-furashada.