Xiisad maanta ka taagan Magaalada Jowhar

Waxaa maanta hakag ku jira dhaqdhaqaaqa ganacsi ee ka jira magaalada Jowhar ee xaruna maamul goboleedka Hirshabeelle, sababo la xiriira amarro ka soo baxay maamulka degmada.

Warar Keydmedia Online
Xiisad maanta ka taagan Magaalada Jowhar

JOWHAR, Soomaaliya - Wararka laga helayo magaalo madaxda gobolka Shabeellaha dhexe, ayaa sheegaya in maamulka degmada Jowhar uu ku amray ganacsatada in ay bixiyaan lacago dheeraad, kuwaas oo sheegay in aysan awoodin maadaama ay dhawaan si weyn u saameysay fatahaaddii wabiga.

Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka degmada ayaa shalay ku wargeliyay  ganacsatada in ay bixiyaan lacagta lagu amray, waxaana ganacsatada oo ka gadooday amarkaa ay saaka xireen goobahooda ganacsi.

Ciidanka ammaanka ayaa maanta hor istaagay, Ganacsda magaalada Jowhar , kuwaas oo doonayay in ay bannaan-bax nabadeed ku muujiyaan cabashadooda, waxaana loo diiday in ay la hadlaan warbaahinta madax-bannaan ee ka howlgasha Johwar.

Wabiga Shabeelle ayaa dhawaan sameeyay fatahaad xooggan, taas oo si weyn u saameysay qanacsiga, maadaama waddada laamiga ah ee isku xirta magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho ay muddo xirneyd.

Sida ay noo sheegeen saraakiil ka tirsan maamulka Guudlaawe, lacagaha lagu soo rogay ganacsatada ayaa loogu talagalay dayacrtirka wabiga, kaas oo hore lacagihii loo qoondeeyay loogu eedeeyay in ay boobeen Wasiirrada Maaliyadda iyo Qorsheynta ee Dowladda Federaalka.

Dowladda Talyaaniga ayaa dib ucelisay lacago loogu talagalay in wax looga qabto fatahaadda wabiga Shabeelle taasoo sida la sheegay ay hor istaagtay dowladda dhexe, iyadoo ku cadaadineysa in madaxda Hirshabeelle ay uhoggaansamaan awaamiirta ka imaanaysa Villa Somalia.

Tallaabadaas ayaa aad loo cambaareeyay inkastoo dowladda Soomaaliya ay iska fogeysay in ay hor istaagtay mashaariic wax looga qaban lahaa Fatahaadaha wabiga Shabeelle.

KEYDEMEDI ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 18:56

Khabiir amni ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in la furo baariska dilkii Injineer Yariisow, si xal loogu helo, xaaladda cakiran ee la xariirta baarista kiiska Ikraan Tahliil Faarax, iyo saraakisha kale ee NISA.