Xiisad saaka mar kale ka taagan Baladweyne

Waddooyinka muhiimka ah ee Baladweyne ayaa lagu arkaya gaadiid dagaal iyo ciidan aad u hubeysan oo ka soo horjeeda in Guudlaawe tago magaalo madaxda gobolka Hiiraan.

News Keydmedia Online
Xiisad saaka mar kale ka taagan Baladweyne

Baladweyne, Soomaaliya – Xiisad colaadeed ayaa saaka mar kale ka aloosan xarunka gobolka Hiiraan ee Baladweyne, waxaana inta badan xaafadaha magaalada la wareegay ciidan uu hoggaaminayo sarkaal magaciisa lagu sheegay Nuur Dheere.

Ciidankaan, ayaa ka soo horjeeda in Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Guudlaawe, tago Baladweyne, kaas oo maanta la filayay inuu gaaro magaalada, waxayna xirteen waddada isku xirta Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif iyo Xarunta Lama-galaay.

Ciidamadaan oo aad u hubeysan, ayaa lagu arkayaan inta badan xaafadaha magaalada, gaar ahaan Xaafdda Nuur Xawaad ilaa Suuqa Daraawiisha, halka ay Xarunta Lama-galaay, ku aruureen booliska Hirshabeelle iyo ciidamo taabacsan maamulka gobolka oo Guudlaawe ka amar qaata.

Sida ay Keydmedia Online u sheegeen dadka degaanka, ciidanka uu hoggaaminayo sarkaalka lagu magacaabo Nuur Dheere, ayaa xalay isku ballaariyay magaalada, kadib markii booliska Hirshabeelle ay rasaas ku kala raacdeeyeen dad dhigayay bannaan-bax ka dhan ahaa tagitaanka Guudlaawe ee Hiiraan.

Cali Guudlaawe wuxuu moodey in hadii Villa Somalia kasoo saartey Beledweyne ninkii sida aadka uga soo horjeeday ee Jen Xuud inuu tagi karo magaaladda," ayuu yiri qof kamid ah dadka degaanka, oo KON la hadlay.

Kacdoonka Hiiraan ayaa bilowday, kadib markii Kooxda Farmaajo ay kursiga Madaxweynaha Hirshabeelle, u boobeen Cali Guudlaawe, taas oo sababtay in reer Baladweyne, ku andacoodaan in Xruntii maamulka, Madaxweynihii iyo xilalkii muhiimka ahaa loo weeciyay Jowhar.

Dhawaan, General Abuukar Xaaji Warsame [Xuud], oo muddo ka soo horjeeday hannaanka lagu dhisay taliska hadda xukuma Jowhar, ayaa laga soo dejiyay Caasimadda, kadib markii wadahadallo hoose dhex-mareen isga Fahad Yaasiin, oo doonaya inuu kursi baarlamaan u raadsado Hiiraamn.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.