Xiisad Colaadeed oo ka taagan Galgaduud

Muqdisho(KON) - Wararka ka imaanaya Deegaanka Ceel garas oo hoos yimaada Degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in ay ka jirto xiisad dagaal oo u dhaxeysa Dadka Deegaanka iyo Maleeshiyada Al-shabaab.
Warar Keydmedia Online
Xiisad Colaadeed oo ka taagan Galgaduud

Warka ayaa intaa ku daraya in Ciidamo farabadan oo ah kuwa Maleeshiyada Al-shabaab ay soo buux dhaafiyeen Deegaanka Ceel garas,ayadoona Dadka Deegaanka ay isku abaabuleen in ay la dagaalamaan,

 

 

Gudoomiyaha Ceel garas Xasan Daahir Sh.Ciise ayaa Keydmedia u sheegay in ay isku Muuqdaan labada dhinac markastana la filan karo in uu dagaalo qarxo.

 

 

Mr.Xasan ayaa Dowladda Soomaaliya ka codsaday in ay la soo gaaraan Hub ay is kaga difaacaan Weerarka Maleeshiyada Al-shabaab.

 

Gobolka Galgaduud ayaa ka mid ah Meelaha  wali Maleeshiyada Al-shabaab ay kaga sugan yihiin Dalka Soomaalia.

 

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho