Xiisaddii dagaal oo ka taagneyd Galgaduud oo la xaliyay

Xiisad dagaal oo ka taagneed gobolka Galgaduud ayaa la xaliyay iyadoo lagu guuleystay in lakala qaado maleeshiyaadkii halkaa ku dagaallamay.

Warar Keydmedia Online
Xiisaddii dagaal oo ka taagneyd Galgaduud oo la xaliyay

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Xiisad dagaal oo baryahaanba ka taagneyd gobolka Galgaduud gaar ahaan deegaanka loo yaqaan Xananbuuro ayaa la xaliyay iyadoo lagu guuleystay in lakala qaado maleeshiyaadkii halkaa ku dagaallamay.

Maamulka degmada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug iyo maamulka degmada Cadaado oo iskaashanaya ayaa go'aan adag ka qaatay colaadda maleshiyo beeleedyada halkaa isku haya, oo inbadan oo hore la xalliyay balse dib u soo laalaabtay.

Ciidamada dowladda ee ku sugan Xananbuuro ayaa amar lagu siiyay in ciddii lagu arkaa iyaga oo hub ku dhex wadato deegaanka in ciidamada ay hubka ka qataan, hadii uu diidana ka qadaan tallaabo adag oo waafaqsan sharciga.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.