Xiisado Dagaal oo ka jira Duleedka Jowhar

Jowhar (KON)- Xiisado dagaal iyo dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo aad u xooggan ayaa saaka ka taagan qeybo kamid ah gobbolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaana duleedka magaalada Jowhar halkaas oo ay ku sugganyihiin Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Warar Keydmedia Online
Xiisado Dagaal oo ka jira Duleedka Jowhar

Wararku waxay sheegayaan in Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku suggan duleedka Jowhar ay bilaabeen dhaq dhaqaaq ay ku doonayaan inay gudaha ugu galaan magaalada oo ay ku sugganyihiin Maleeshiyaad kooban oo kooxda Shabaab ka tirsan.

Abaanduulaha Xiidanka xoogga dalka C/kariin Yuusf Aadan Dhagabadan oo dhowaan hadlay wuxuu sheegay in magaalada Jowhar ay kamid noqon doonto magaalooyinka  soo galay gacanta Dowladda Soomaaliya.

Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho