Xiisado Dagaal oo Saaka ka jira Degmada Berdaale ee Gobbolka Bakool

Muqdisho (Keydmedia) - Wararka naga soo gaaraaya Degmada Bedaale ee gobbolka Bakool ayaa sheegaya in Saaka ay halkaasi ka jiraan dhaq dhaqaaqyo iyo xiisado dagaal oo aad u xooggan kadib markii ay dhanka magaalada u soo ruqaansadeen Ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa Ethoipia kuwaasoo doonaya inay la wareegaan gacan ku heynta Degmada Bardaale.
Warar Keydmedia Online
Xiisado Dagaal oo Saaka ka jira Degmada Berdaale ee Gobbolka Bakool

Ciidamo aad u fara badan islamarkaasna aad u  qalabeysan ayaa la sheegay inay dul deggan meel 5KM u jirta magaalada, inkastoo warar soo baxaya ay sheegayaan in Maleeshitaadkii Shabaab ee halkaasi ku suggnaa ay xalay magaalada faarujiyeen.

Qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool Vardaale ayaa waxaa soo wajahay walwal iyo casi aad u ballaaran waxaana qaar ka tirsan dadku ay bilaabeen inay ka barakacaan magaalada.

Keydmediaa.net - Xafiiska Muqdisho