Egypt releases Somalia girl who killed driver for attempted rape
Mid ka mid ah xubnaha Guddiga isku dhafka ah ee doorashada Madaxweynaha ee ka yimid Golaha Shacabka, ayaa isaga tagay shaqada.
MUQDISHO, Soomaaliya – Xildhibaan Maxamed Axmed Maxamed [Beerrey] oo ka mid ahaa Guddiga labada gole ee Baarlamaanka u saareen doorashada Madaxweynaha 10aad JFS, ayaa sababo aan la shaacin uga tagay shaqada, waxaana lagu baddelay Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur [Madoobe] ayaa shaqo ka tagidda Xildhibaan Beerrey iyo magacaabidda Xildhibaan Cabdiraxmaan, [ Boos buxin] ku war galiyay Guddoomiyaha Guddiga isku dhafka ah ee doorashada Madaxweynaha.
Xildhibaan Maxamed Axmed Maxamed [Beerrey], waxaa laga soo doortaa maamulka Hirshabeele, gaar ahaan magaalada Jowhar, wuxuu u tartamay kursiga Guddoomiyaha Guddiga doorashada, wuxuuna aad ugu dhow yahay Madaxweynihii hore Shariif.
Ma cadda sababta uu Beerrey uga tagay shaqada, xilli ay kaliya lix maalin ka dhiman tahay qabashada doorashada, hayeeshee, waraaqda ka soo baxday xaafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxaa lagu xusay in uu arrin shaqsi ah oo aan la faahfaahin uga tagay.
KEYDMEIDA ONLINE
Add comment
Comments