Xildhibaan ka tirsan Puntland oo geeriyooday

Xildhibaan ka tirsan golaha wakiilada Puntland ayaa ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka Sanaag.

Warar Keydmedia Online
Xildhibaan ka tirsan Puntland oo geeriyooday

GAROWE, Soomaaliya - Xildhibaan ka tirsan golaha wakiilada Puntland oo lagu magacaabi jiray Cali Axmed Salaad (Cali Dhahar) ayaa u geeriyooday shil gaari oo uu ku galay degaan ka tirsan Gobolka Sanaag.

Marxuumka ayaa shilkaas ku galay degaanka loo yaqaan Midigale oo qiyaastii 40KM u jira degmada Badhan ee Gobolka Sanaag sida laga soo xigtay ehelka marxuumka iyo xildhibaanno ka tirsan Puntland.

Marxuumka ayaa ku sii jeeday degmada Badhan oo uu kaga qayb gali lahaa tacsida hooyadiis marxuumad Raxma Ciise oo ku geeriyootay magaaladaasi.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.