Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Shacabka oo geeriyooday

Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacab-ka ee JFS ayaa galabta ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Shacabka oo geeriyooday

MUQDISHO, Soomaaliya - Allaha u naxariistee waxaa galbta magaalada Muqdisho ku geeriyooda, Xildhibaan Axmed Dhimbiil Rooble ‘Casoowe’ oo ka mid ahaa Xildhibaanadda Aqalka hoose ee Dowladda Faderaalka Sooomaaliya.

Allaha u naxariistee Xildhibaan Axmed Dhimbiil Rooble ayaa sida la xaqiiyay u geriyooday cudurka safmarka ah ee Corona Virus kaas oo si xooggan ugu soo laba kac-leeyay dalka.

Marxuumka ayaa Xilldhibaanada Golaha Shacab-ka ka tirsnaa 16 sano ee la soo dhaafay wuxuuna soo noqday guddoomiye ku xigeynka labaad ee Baarlamaankii Siddeedaad.

AUN, Xildhibaan Axmed Dhimbiil, ayaa degaan doorashadiisu aheyd Gobalada Waqooyi ee Soomaaliya, haddana loo yaqaan Soomaaliland.

Soo laba kacleynta COVID-19, ayaa si xooggan looga dareemayaa dalka oo dhan gaar ahaan Magaalada Muqdisho, mana jirto dadaallo iyo wacyi galin loo hor tagayo cudurkaan halista ah oo Dowladdu waddo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.