Xildhibaan Mahad oo weerar afka ah ku qaaday Khudbadii Farmaajo

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Shacabka BJFS ayaa weerar afka ah ku qaaday khudbadii xalay saq dhexe uu jeediyay madaxweyne Farmaajo.

Warar Keydmedia Online
Xildhibaan Mahad oo weerar afka ah ku qaaday Khudbadii Farmaajo

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ahaa Xildhibaanadii diidanaa muddo kororsiga, isla markaana hor istaagay fadhigii ugu horreeyay ee Golaha kaasoo la doonayay in muddo kororsi lagu sameysto ayaa weerar afka ah ku qaaday khudbadii miisaanka yareed ee xalay uu jeediyay madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo.

Xildhibaan Mahad ayaa yiri "Ismoogaysiis iyo ila meerayso ayay ahayd khudbadii Farmaajo xalay jeediyay. Kumana soo hadalqaadin dhibaatada ka taagan magaalada Muqdisho iyo qalalaasaha siyaasadeed iyo midka amni uu dalka geliyay. Tusaale: 

1. Sooma hadalqaadin ku darsigii xaaraanta ahaa iyo xukun boobkii uu ku kacay 12-kii bishan Abriil 2021.

2. Kama garaabin, umana tacsiyeen shacabkii dhiigooda uu daadiyay, guryahoodana ka barakiciyay iyadoo bil Ramadaan lagu jiro.

3. Wuxuu iska indhotiray fidnada uu ka dhex abuuray ciidamada qalabka, isagoo kala qaybiyay kadibna qoryo isugu dhiibay. Mana jiro maanta askari askari kale aaminaya iyo sarkaal laga amar qaadanayo, qof walibana wuxuu miciin bidday qorigiisa iyo qabiilkiisa.

4. Sidoo kale ma sheegin sida xal loogu heli karo ismariwaaga siyaasadeed ee maanta taagan, kumana baaqin wadatashi iyo dib-u-heshiisiin siyaasadeed oo dalka lagu samatabixinayo.

5. Isku soo wada duuboo ujeedka Farmaajo wuxuu ahaa ii dheh siyaasadeed uu waqti ku iibsanayo si uu diyaar garoobo isla markaasna isaga yareeyo caadiska ciidan ee dulsaaran iyo goodiska beesha caalamka ku hayso.

Ugu dambeyntii waxaan ku baaqayaa inaan heeganka laga bixin inta ninkaan jid iyo jiho diidka ah dalka iyo dadka laga badbaadinayo. Lagana hubiynayo in dalku doorasho aaday.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].