Xildhibaan Mahad Salaad oo lagu celiyay Isgoyska Dabka

Xildhibaan Mahad Salaad oo kamida 15 -ka Xildhibaan ee loo diiday in ay xaadiraan fadhiga maanta ee Golaha Shacabka ayaa hadda lagu celiyay Isgoyska Dabka

Warar Keydmedia Online
Xildhibaan Mahad Salaad oo lagu celiyay Isgoyska Dabka

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaan Mahad Salaad oo kamida 15 -ka Xildhibaan ee loo diiday in ay xaadiraan kulanka maanta ee COVID-19 ka iyo Muddo kororsiga looga hadlayo ee Golaha Shacabka ay ku yeelanaayaan Xarunta Villa Hargeysa ayaa lagu celiyay Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa horay ushaaciyay inuu ka qeyb gali doono fadhiga maanta, waxa uuna sheegay wixii mas'uuliyad darro ah ee ka dhasha uu qaadi doono guddoomiye Mursal, xildhibaanka ayaa sheegay in hadda ay soo gaareen isaga iyo qaar kale oo kamida Xildhibaanada loo diiday fadhiga lagu celiyay Isgoyska Dabka.

Waxa uuna ku celiyay Xildhibaanka in mar kale wixii mas'uuliyad xumo ah ee ka dhasha falkan lagu celinayo mudanayaasha Baarlamanka uu mas'uuliyaddeeda xambaaran doono guddoomiye Mursal.

Dhinaca kale fadhigii Golaha Shacabka ee maanta ayaan weli la furin, waxaana soo xaadiray tiro kamida xildhibaanada Golaha, iyadooo uu jiro buuq ku saabsan Ajandaha fadhiga, waxaana jira xildhibaano Mucaarad ah oo dalbanaya in la caddeeyo Ajandaha kulanka

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.