Xildhibaan Dastuurka dhaliilay

Keydmedia (Muqdisho) Iyadoo mudooyinkii ugu danbeeyay ay mudanayaasha Baarlamaanka ku howlanaayeen ansixinta ansaxinta dastuurka lagu maamulayo Dalka, waxaana fadhiya badan oo qaarkood buuq ku dhamaaday looga hadlay arinkaasi.
Warar Keydmedia Online
Xildhibaan Dastuurka dhaliilay

Laba maalmood ka hor ayaa wasiirka Dastuurka iyo arimaha Federaalka Madoowe Nuunow Max’ed uu horgeeyay Baarlamaanka qoraalka Dastuur qabya ah oo ay diyaariyeen gudi loo xil saaray arinkaasi iyo wasaarada dastuurka.

Xildhibaan Yaasiin Max’ed Bucul oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo saxaafadda la hadlay ayaa si kulul u dhaliilay qaab qoraalka Dastuurka waxaana uu sheegay Bucul in qaab qoraalka dastuurka ay ka muuqato gacan shisheeye oo aan Soomaali aheyn wallow aanu carrabka ku dhufan cidda uu tuhmayo.

Xaaladaha caadiga ah ee Dalka ayeey ka mid tahay is dhaliilka iyo looma dhamada waxaana talaabadan iyo kuwa la mid ah ay ahaayeen kuwa mudaba soo tixnaa.

 

www.keydmedia.net