Xildhibaan Lagu Dilay Waqooyiga Gaalkacyo

Wararka naga soo gaaraya waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Xildhibaan ka Tirsan golaha degaanada PuntlandCaawa salaad Maqrib ka dib lagu dilay Magaalada Gaalkacayo, dilka xildhibaan waxa Fuliyay bay Leeyihiin dad ku aga dhawaa Koox Hubaysan oo aan la aqoon Haybtooda.
Warar Keydmedia Online
Xildhibaan Lagu Dilay Waqooyiga Gaalkacyo

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Xaaji [Koodhaa], ayaa salaadii makhrib kadib xilli uu kusii jeedey gurigiisa waxay kooxo hubeysan oo aan haybtooda lagaranayni ku toogteen agagaarka Iskoolka Cumar Samatar ee magaalada Gaalkacayo. Wuxuu ahaa xildhibaan ka soo Jeeda Gobolka Mudug Gaar ahaan Beesha [Carab Saalax] waxana uu xildhibaan ahaa Mudo dheer sida ay sheegayaan Dadka Xiriir dhow lalahaa.

Waa xildhibaankii Afraad oo Laga Khaarajiyo Golaha degaanada maamul goboleedka Puntland, waxana Horay uga Horeeyay Laba xildhibaan oo Bosaaso lagu dilay iyo Mid kale oo magaalada Garoowe lagu dilay.

Ilaa haatan ma Jiraan wax Sharciga la Hor keenay oo lagu qiray inay ka dambeeyaan Falalka lagu Bartilmaameedsanayo mudanayaasha degaanka PL.