Xildhibaan Nuur Faarax “Maamul aysan dowladu raali ka ahayn masoconayo”

Muqdisho (KON) Qaar ka mid ah xildhibaanadii dhowaan gaaray magaalada Kismaayo ayaa ugu baaqay maamulka Axmed Madoobe in ay isdajiyaan oo ay xal wax ku raadiyaan.
Warar Keydmedia Online
Xildhibaan Nuur Faarax “Maamul aysan dowladu raali ka ahayn masoconayo”

Xildhibaan Nuur Faarax oo ka mid ah xildhibaanada haatan ku sugan magaalada Kismaayo ayaa sheegay in loo baahanyahay wax walba oo tabasho ah oo haatan jirta in lagu dhameeyo wada hadal.

Wuxuu sheegay in ay ugu baaqeen kooxda Raaskambooni in ay ogolaadaan Nidaamka dalka ka jira sidoo kalana ay u hogaansamaan dastuurka Soomaaliya, iyo shuruucda kale ee dalka u dagan.

Xildhibaan Nuur Faarax ayaa sheegay maamul kasta oo la sameeyo oo aysan ka warqabin dowlada inuusan ahayn maamul soconaya, laakiin dowladana ay haboontahay in ay fiiriso rabitaanka shacabka Jubooyinka.

Hadalka xildhibaan nuur Faarax ayaa ku soo adaya xili dowlada ay horay u shaacisay in ay ka soo horjeedo hoalaha ka socda magaalada Kismaayo ee lagu doonayo in lagu sameeyo maamulka Jubaland.

Keydmedia Online xafiiska Muqdisho




Warar 25 November 2020 19:57

Madaxweynaha ayaa ku fashilmay siyaasadda, hirgelinta Federaalka, amniga iyo qabashadda doorasho qof iyo qof ah oo uu balan-qaadey markii la doortay 4 sano kahor.