Xildhibaan: Sanbaloolshe ‘Sharciga dalka’ ayuu ku xadgudbay {Dhageyso}

Muqdisho (KON) - Xildhibaan C/ladhiif Muuse Sanyare, oo kamid ah Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in uu soo dhawaynayo Xilka-qaadistii ay Golaha Wasiiradda DFS Shalay ku sameeyeen Agaasiimihii Hay'adda Nabad Sugida Qaranka.
Warar Keydmedia Online
Xildhibaan: Sanbaloolshe ‘Sharciga dalka’ ayuu ku xadgudbay {Dhageyso}

Xildhibaan C/ladhiif Muuse Sanyare, ayaa sheegay in C/llaahi Sanbaloolshe uu ku xadgudbay Sharciga dalka u yaalla, kadib markii uu Xabsiga dhigay Xildhibaan Qaran, oo Dastuurka uu dhigayo in aan lagu xadgubdi karin.

"Xildhibaan Qaran haddii uu Denbi galo la iskama xiri karo, iyadoo aan loo soo marin Xeerka dalka. Baarlamaanka Federaalka waxuu leeyahay Gudi  Anshax & Gole xaqdhoriyaal, kuwaasi ay kasoo gudbin kari Warbixinta Denbiga uu galay," ayuu yiri Xildhibaan C/ladhiif Muuse Sanyare.

Xildhibaan C/ladhiif Muuse Sanyare wuxuu uga mahadceliyay Golaha Wasiiradda Xilka qaadista ay kuu sameeyeen Sanbaloolshe, oo uu ku tilmaamay Mas'uul ku xadgudbay Sharciga.

"Xildhibaanka wuxuu leeyahay Xasaanad Sharciga siiyay, Gurigiisa & Gaarigiisa lama baari karo, haddii markii aan lagu qaban Fal-Denbiyeed Muuqda, Agaasiimiha Nabad Sugida ee Xilka laga qaaday wuxuu xiray Xildhibaan lagu magacaabo Siraaj, markii lagu yiri Sanbaloolshe raali gelin ka bixi waa uu diiday, waxaan uu ku adkaystay in uu ku saxan yahay Talllaabadiisa," ayuu yiri Sanyare.

Wuxuu yiri Sanyare: "Qofka Madaxda ka ah Hay'adda Nabad Sugida ama Askariga Shaarka uu xiran yahay waa mid Dowladnimo, Dowladnimaduna waxa ay ka billaabataa Xildhibaanka, taasi oo micnaheedu tahay in Xildhibaan la xiray ay lamid tahay Madaxweynaha ama Ra'iisul Wasaaraha oo la xiray."

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

Hoos ka Dhageyso Wareysi uu Xildhibaan Sanyare siiyay Radio Kulmiye: