Xildhibaan Waqaa “Dadka Xukuumada way ka niyad jabeen”

Xildhibaan Max'ud C/laahi Wehliye waqaa oo ka mid ah mudanayaasha Barlamaanka KMG ah ee Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta ka howl gasha gudaha Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay jireen kulumo dhawaanahan ay la lahaayeen R.wasaare Cumar C/rashiid.
Warar Keydmedia Online
Xildhibaan Waqaa  “Dadka Xukuumada way ka niyad jabeen”

"Waxaan kala hadalnay R.wasaaraha inuu soo dhiso Xukuumada taya leh, isla markaana la fuliyo heshiiskii Ahlu-suna iyo Dowlada u dhaxeeyay, maadaama xukuumada hada jirta shacabka ay ka niyad jabeen wax qabad la'aanteeda" sidaa waxaa Saxaafada u sheegay Xildhibaan Waqaa oo ka mid ah mudanayaasha Barlamaanka.

waxa uu intaasi ku daray Xildhibaanku " Arimahaasi oo idil waa uu naga aqbalay R.wasaaraha waxaana isbadalkaasi la arki doonaa todobaadyada soo socda".

Mudadii ugu danbeysay waxaa socday kulamo mudanayaal ka tirsan Barlamaanka ay la kala lahaayeen Madaxweyne Shariif iyo R.wasaare Sharmar'ke laakiin waxaan wali xog dhab ah laga heyn daadaalka ay wadaan kooxda xildhibaanada ah ee la kulansan Madaxweyne Shariif.

www.keydmedia.net