Egypt releases Somalia girl who killed driver for attempted rape
“Haday ka maagto hor imaashaha baarlamaanka si caadi ah ayeey u dhaceysaa xukuumada, waxaana ku baaqeynaa in ay timaado si kalsoonida loo siiyo ama loogu diido” sidaa waxaa tiri Xildhibaanada Caasha C/lle oo saxaafadda la hadashay.
Xildhibaanada caasho waxa ay ka mid tahay xildhibaano ka tirsanaa Baarllamaanka oo kol hore ku baaqay in la xisaabiyo xukuumada si loola socda miisaaniyada maaliyada halka ay martay, laakiin mooshinkaasi ayaa meesha ka baxay kadib markii uu gudoomiyaha Baarlamaanka noqday wasiirkii hore ee maaliyada shariif xasan oo dadka ugu horeeya ee in la xisaabiyo la rabay.
Dhanka kale wasaa manta mar kale dib u dhac uu ku yimid fadhigii baarlamaanka iyadoona dhanka kale wali ay sii socdaan shirarkii gaar gaarka ah ee lagu kala xodxodanayo xildhibaanada baarlamaanka.
www.keydmedia.net
Add comment
Comments