Xildhibaanada Hawiye oo diidan la kulanka Farmaajo

Macaaluumaad ay heshay Keydmedia Online ayaa sheegaya in inta badan xildhibaanadaan ay diideen la kulanka madaxweyne Farmaajo, iyagoona kulanka Farmaajo ee waqti xaadir kaan ku tilmaamay mid dano gaar ah huwan. 

Warar Keydmedia Online
Xildhibaanada Hawiye oo diidan la kulanka Farmaajo

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isugu yeeray xildhibaanada Beesha Hawiye ee labada gole ku metela Baarlamaanka Soomaaliya si uu la tashiyo dhinaca magacaabista Ra'iisul Wasaaraha cusub ugala sameeyo.

Macaaluumaad ay heshay Keydmedia Online ayaa sheegaya in inta badan xildhibaanadaan ay diideen la kulanka madaxweyne Farmaajo, iyagoona kulanka Farmaajo ee waqti xaadir kaan ku tilmaamay mid dano gaar ah huwan.

Kulankaan oo lagu balansanyahay caawa oo Jimca soo geleyso ayaa la sheegayaa in aysan cago badan ku taagneyn qabsoomidiisa, waxaana socdo dedaal xooggan ay bixinayaan xildhibaanada garabka taageersan madaxweynaha ee Beesha Hawiye oo isku dayayo suurtoobida kulankaan oo qarka u saaran in uu fashilmo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegayaa in arintaan lagu war geliyay, islamarkaana loo sheegay in xildhibaanada badankooda diideen la kulankiisa, waxaana lagu soo waramayaa in madaxweynaha go'aansaday hakinta kulankaan, haddii xal kale la waayo.

Ujeedka rasmiga ah ee Madaxweynaha ka leeyahay kulankaan lama oga, haseyeeshee waxaa xusid mudan in Madaxweynaha uu ku guul dareysatay magacaabidda Ra'iisul wasaarihii bedeli lahaa Xasan Cali, waliba in ka badan 30 cesho.

Beesha Hawiye oo awood qeybi u leh xilak Ra’isul Wasaaraa Soomaaliya ayaa xiligan ka maqan saaxada awood qeybsiga dalka, waxaana booska Hawiye ee Ra’isul Wasaaraha ku sime kasii ah Mahdi Guuleed oo kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Soomaaliland.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.