Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Xildhibaanad Caasha Axmed C/lle oo ka mid ah xildhibaanada sida weyn u dhaliishan gudiga madax banaan ee dastuur sameynta ayaa sheegtay in qodobada qabya qoraalka ee dhawaan la soo bandhigay aanay waxba ka duwaneen jaraa’idka caalamka ee wararka lagu qoro, isla markaana waxa ay xustay in aanu macna habayaraatee xanbaarsaneen qodobada ku xusan dastuurkaasi.
“Waxa ay ka hadleen xuduudaha Soomaaliya iyo wax la mid ah, Soomaaliya dal cusub ma ahan xuduudahahan waa la yaqaan, waxaana ka mid ahaa buuga ay qoreen qoladan sheeganeysa gudiga madax banaan qodob ka hadlaya xuduudaha” sidaa waxaa tiri Xildhibaanad Caasha C/lle.
Xildhibaanada fikirka ansixinta gudiga dastuurka dhaliishan ayaa waxa ay ku doodayaan xiligan in loo baahan arimaha ammaanka iyo bad baadada shacabka in laga hadlo intii dastuur iyo wax la ayni ah waqtiga leysaga lumin lahaa.
Dhanka kale kulan ay maanta lahaayeen Baarlamaanka uuna shir gudoominayay Shariif Xasan Shiikh Aadan oo looga doodayay arinta la xiriirta dastuurka ayaa waxa uu ku idlaaday natiijo la'aan kadib markii buuq iyo fowdo ay hareysay kulankaasi.
www.keydmedia.net
Add comment
Comments