Xildhibaanada Barlamaanka “Shariif Xasan is xisaabi”

koox Xildhibaano ah oo dhawaan Muqdisho isku abaabulay isla markaana la baxay Magaca ah kudlada toosinta qaranka oo maanta ku shiray gudaha Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ka soo saareen shirkooda qodobo ay ka mid yihiin xukuumada in la xisaabiyo.
Warar Keydmedia Online
Xildhibaanada Barlamaanka “Shariif Xasan is xisaabi”

Gudoomiyaha Barlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan Maadaama oo hore wasiir u ahaa waa inuu bilaabaa nidaam lagula xisaabtamayo xukuumada, isla markaana xisaabta uu isaga iska bilaabo". sidaa waxaa saxaafadda u sheegay Xildhibaan C/qaadir Nuur Caraale oo ku hadalayay codka xildhibaanada olaolahaaasi wada.

Hadalkan ka soo baxay xildhibaanada ayaa waxa uu imanayaa xili wasiira hore oo iska casilay xukuumada uu hogaamiyo R.wasaare Sharmar'ke ay sheegeen in sababta ka danbeysa is casilaadooda ay tahay wax qabad la'aan iyo isxisaabin la'aan.

Hadii uu dhaco la xisaabtan dhanka Xukuumada ah waxaa la filayaa in dulduleelo badan oo hada la tuhmayo si waafi ah looga shaki baxo, waxaana jira wasiiro gaar ah oo faraha lagu fiiqayo marka la soo hadal qaado isxisaabin.

www.keydmedia.net