Xildhibaanda Golaha Shacabka oo bil fasaxa galaya

Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS ayaa lagu war galiyay in ay galayaan bil fasax ah, sida uu ka hor sheegay fadhigii maanta guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Warar Keydmedia Online
Xildhibaanda Golaha Shacabka oo bil fasaxa galaya

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoonka Golaha Shacabka BJFS ayaa xildhibaanada Aqalka usheegay in ay bil fasax galayaan, guddoomiye Mursal oo toos uga hadlayay fadhigii maanta ayaa tilmaamay in xildhibaanadu shaqo adag ay galeen.

Mursal waxa uu yiri "Xildhibaanada Golaha Shacabka waxaa isku furmay laba kalfadhi, oo fasaxii ay xaqa ulahaayeen ma galin, sidaasi daraadeed maalin nimada berri ah oo ku beegan 02/May/2021 Xildhibaanadu waxay galayaan fasax, waxayna dib isugu soo laaban doonaan 02/Juun/2021."

Guddoonka Golaha ayaa ogeysiiskan bixiyay markii uusoo dhammaaday fadhigii maanta ee uu codsaday madaxweyne Farmaajo kaasoo uu Golaha ka hor sheegay in dib loogu laabto heshiiskii 17 -ka September.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.