Xildhibaann C/lla Boss: Yaan laga doodin Biyaha Soomaaliya, WA LA GATAY!!!

Muqdisho (KON) - Xildhibaann Cabdalla Boss oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa si Cod dheer oo Caro ka muuqato ku sheegay in aan waqti la iskaga lumin ka doodida Biyaha Soomaaliya.
Warar Keydmedia Online
Xildhibaann C/lla Boss: Yaan laga doodin Biyaha Soomaaliya, WA LA GATAY!!!

Mudane Cabdalla Boss ayaa sheegay in Biyaha Soomaaliya gebi ahaan lakala qeyb qeybsaday qaarkoodna lakala iibsaday idinkuna waad Ogtihiin in ay mar hore Faraha ka baxday oo Qaarkiin Fara saar la leeyahiin Dawladdo Shisheeye.

Xildhibaanku asagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri " waxaan idinkula talinayaa in aad isweydiisaan oo aad ka doodaan Qaxootiga Soomaaliyeed oo ku rafaadsan meel kastana ku daac dareysan sida Wadamo ay ka mid yahiin Yaman, Kenya iyo Liibiya oo aad u saro kacdaan Danqashadda Dadkiin".

Hadalka C/lla Boss, Dad badan ayuu ka yaabiyey, wayo Bulshadda Soomaaliyeed uma baran Dawladd ama Barlamaan u hadla oo ka hadla Dhibaatadda haysata Danyarta Soomaaliyeed, Waxaana Xildhibaanada Soomaaliyeed lagu xantaa: " Laaluush qaate Dhilo iyo Dhaaylo ku nool ah".

Keydmedia.net