Xildhibaannada oo caawa ku qulqulaya Villa Somalia

MW Xasan, wuxuu qodob lagama gudbaan ah ku tilmaamay caado siyaasadeedkan, markii uu Farmaajo in ka badan 50 cisho kor u hayay magacabidda Ra’iisul Wasaaraha, kadib raacdeyntii RW Xasan Cali Khere, waxaana laga sugayaa soo magacaabid dhow.

News Keydmedia Online
Xildhibaannada oo caawa ku qulqulaya Villa Somalia

MUQDISHO, Soomaaliya – Xildhibaannada Baarlamaanka 11-aad ee JFS, ayaa ku sii qulqulaya Villa Somalia, si ay uga qeyb galaan casho sharaf uu ku casuumay, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo dhawaan ka faaruqay shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Madaxtooyada ka socday labadii maalin ee la soo dhaafay.

Ilo loo qaateen ah ayaa warinaya in ay dhici karto in caawa uu kulanka cashada ah Madaxweynuhu kaga dhawaaqo, magacaabidda Ra’iisul Wasaaraha 21-aad ee dalka, haddii aysan dhicinna uu kaga dhawaaqayo goob kale oo fagaare ah ka hor 15 bishaan.

Soomaaliya waxaa caado siyasadeed ka ah in magacaabidda Ra’iisul Wasaaraha aysan dhaafin 30 cisho, kadib doorashada Madaxweyne, hayeeshee, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ah Madaxweynaha kaliya ee caadadaas siyasadeed ku tuntay 2020.

Xasan Sheekh, waxaa la doortay 15-kii bishii hore, waxaana laga sugayaa inuu laba cisho gudahood ku magaabo Ra’iisul Wasaaraha, inkastoo taasi ahayn qodob  dastuuri ah ayay haddana qeyb ka ahayd Axdi Qarameedkii lagu soo dhisay dowladdii KMG ee Imbagathi

MW Xasan, wuxuu qodob lagama gudbaan ah ku tilmaamay caado siyaasadeedkan, markii uu Farmaajo in ka badan 50 cisho kor u hayay magacabidda Ra’iisul Wasaaraha, kadib raacdeyntii RW Xasan Cali Khere, waxaana laga sugayaa soo magacaabid dhow.

Dhanka kale, Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS, ayaa maanta yeeshay kulan wadajir ah, kaasoo Ajandihiisu ahaa  qaybinta miisaaniyada sanadka 2022, Gudoomiyaha golaha Shacabka ayaa sheegey in beri  la shaacin  doono guddi miisaaniyadda ka soo shaqeeya.

Sidoo kale, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo dhowaan madaxweynaha JFS  u magacaabay  Ergeyga gaarka ah ee arrimaha Abaaraha ayaa waxbixin ku aaddan xaalada Abaaraha dalka looga dhageystay, kulanka wadajirka ah ee labada gole.

Ergayga wuxuuuu xildhibaannada ka codsaday in mushaharaadkooda qeyb ugu deeqaan gurmadka Abaaraha, waxaana uu Guddoonka la wadaagay in lacagihii la qaaday Musharaxiintii Guddoonka labada aqal iyo tan madaxweynaha loo weeciyo abaaraha.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
News 30 June 2022 22:08

Kenya hosts the largest Somali community in the region that has heavily invested in Nairobi with nearly half-million refugees had been living in Dadaab, the world’s biggest refugee camp in the world since 1992.