Dowladda oo isku direysa Xildhibaanada & Cabdi Xaashi

Xildhibaannada Somaliland kasoo jeeda ayaa isku haysta nidaamka ay u dhacayso doorashadooda, ayagoo u kala saftay kuwa uu Farmaajo maalgaliyo iyo kuwa taageersan Cabdi Xaashi.

Warar Keydmedia Online
Dowladda oo isku direysa Xildhibaanada & Cabdi Xaashi

MUQDIHSO, Soomaaliya - Hogaanka Dowladda Federaalka ayaa wada olole liddi ku ah Guddoomiyaha Aqalka sare, Cabdi Xaashi C/laahi.

Afartan iyo todobo (47) Xildhibaanno ka tirsan Aqalka sare ee BFS, kana soo jeeda gobollada Waqooyi ee (Somaliland) ayaa si kulul waxa ay u eedeeyeen guddoomiyaha Aqalka sare, Cabdi Xaashi C/laahi.

Xildhibaanaddaan oo uu Madaxweyne Farmaajo gadaal ka wado ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegeen in uusan matalin afhayeenka Aqalka sare Cabdi Xaashi oo uusan shaqo ku lahayn arrimaha doorashada Xildhibaannada gobollada Waqooyi.

Guddiga doorashooyinka ayeey sheegeen in loo maray hab waafaqsan sharciga, islamarkaana waxyaabaha uu wado guddoomiye Xaashi uu isaga dano gaar ah ka leeyahay.

“Anaga oo ah Xildhibaannada Golaha Shacabka & Aqalka Sare ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ( Somaliland) waxaana kulan ku yeelanay Magaalada Muqdisho si aan wax isaga weeydiino xaalada guud ee dalka iyo doorashooyinka xildhibaannada labada Aqal ee Gobolada Waqooyi, waxaanu cadeyneynaa in uusan Guddoomiye Cabdi Xaashi nagu matalin hadallada uu ku durayo gudiyada doorashooyinka maadaama uusan nala tashan waxna naag weeydiin" ayeey qoraalkooda ku sheegeen.

Qoraalka oo dhammeystiran hoos ka akhriso:


KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.