Xildhibaano ka tirsan Dowladda KMG oo ku xiran Boorame

Muqdisho(Keydmedia) Maamulka degmada Boorame ee gobalka Awdal kadib markii ay booqasho ugu tageen qoysaskooda oo halkaa ku nool.
Warar Keydmedia Online
Xildhibaano ka tirsan Dowladda KMG oo ku xiran Boorame

Xildhibaan Xaaji Cabdi Axmed Faarax oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka oo ay heeb wadaag yihiin xildhibaanad la xiray ayaa u sheegay warbaahinta in arinkaasi uu yahay mid si weyn looga xumaado isla markaana ay haboontahay in xabsiga laga sii daayo xildhibaanada qoysaskooda booqashada u aaday.

Xildhibaanada xiran ayaa lagu kala magacaabaa Cadow Maax faarax iyo Xuseen Xasan, waxaana la sheegay in lagu cadaadinayo in ay iska casilaan jagada ay ka hayaan gudoonka baarlamaanka si ay ugu suurta gasho xabsiga in ay ka baxaan.

www.keydmedia.net