Xilliga ansixinta Golaha Wasiirada cusub oo la shaaciyay

Guddoonka sare ee Golaha Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay xilliga la qaban doono kulanka ansixinta xubnaha Golaha wasiirada ee uu soo magacaabay dhawaan Ra'iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Warar Keydmedia Online
Xilliga ansixinta Golaha Wasiirada cusub oo la shaaciyay

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoonka Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in maalinta berrito ah la ansixin doono Golaha Wasiirada ee uu soo magacaabay Ra'iisulwasaare Rooble.

Afar maalin kahor oo ku beegan 19-Oktoobar ayey ahayd markii uu ku dhawaaqay Ra'iisulwasaare oo daahiyay magacaabista golihiisa wasiirada maadaama la sheegay in is qabqabsi iyo muran soo jiitamay uu sabab u ahaa daaha magacaabista golaha wasiirada loo qorsheeyay in ay baddalanaan kuwii hore!

Ra'iisulwasaare oo isaga laftiisa daah ku yimid, muddo 50 maalin ah oo uu dalka kusime ka ahaa Mahdi Guuleed ayaa isna caqabad lamida tii Madaxweyne Farmaajo uu kala kulmay magacaabistiisa oo kale isna wajahay, inkastoo xilli dambe uu ku guuleystay in uu soo dhiso xubno golo wasiiro ubadnaa kuwii hore, golaha wasiirada ee cusub ma haystaan waqti ku filan oo ay wax qabad muuqda la imaan karaan balse waxaa la rajeynayaa in ay fuliyaan sidii doorasho ay ku gaarsiin lahaayeen dalka.

Berri oo Sabti ah waxaa xarunta Villa Hargeisa lagu wadaa inuu ka qabsoomo kulanka ansixinta golaha wasiirada ee cusub taasoo haddii ay kalsoonida siiyaan xildhibaanada Golaha shacabka ay shaqadooda horay ugali doonaan, haddiise la iska diido waxaa markale Ra'iisulwasaare Rooble uu wajihi doonaa caqabad kale oo waqtiga ka cuni doonta.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.