Xilliga Jubbaland dhameystireyso doorashada Aqalka Sare

Guddiga Maamulka Doorashada Heer Dowlad goboleed ee Jubaland (SEIT) ayaa soo saaray Jadwalka doorashada kuraasta dhiman ee Aqalka Sare.

Warar Keydmedia Online
Xilliga Jubbaland dhameystireyso doorashada Aqalka Sare

KISMAAYO, Soomaaliya - Guddiga Maamulka Doorashada Heer Dowlad goboleed ee Jubaland (SEIT), ayaa ka dhawaaqay xilliga uu maamulkaas soo gabagabeynayo doorashada Aqalka sare ee Baarlamaanka JFS, saacado kadib markii MW Axmed Madoobe, soo saaray liiska baratamayal muddo laga sugayay.

Sida ku cad waraaq dhawaan ka soo baxday (SEIT), 21-ka bishaan oo ku beegan khamiista soo socota ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo doorashada afarta kursi ee baaqiga ku ah Jubbaland.

Berri oo ah 20-ka October, waxaa loo asteeyay, diiwaan galinta qabashada codsiyada musharixiinta iyo bixinta lacagta laga doonayo tartamayaasha.

Siddeed musharrax ayaa ku loollami doona afarta kursi, kuwaas oo shan ka mid ah ay yihiin haween, tartanka labo kursi waxaa loo gooni yeelay dumar, halka Farxiya Macalin Cabdi, tartan la gali doonto Ibrahim Awgaab Cismaan.

Kuraasta 5-aad, 6-aad 7-aad iyo 8-aad ayaa loogu loollami doonaa sida soo socta;

K5ASBFS - Layla Nuux Maax iyo Xareedo Maxamed Sheekh

K6ASBFS - Ibrahim Awgaab Cismaan iyo Farxiya Macalin Cabdi

KZASBFS - Maryan Faarax Kadiye iyo Samsam Maxamed Bishaar

KSASBFS - Xasan Daahir Yarow iyo Cali Maxamed Cali.

Kadib doorashadaan dowlad gobolleedka Galmudug, ayaa noqon doona maalmulka kaliya ee aan  dhameystirin doorashada Aqalka sare, Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoorqoor’ ayaana la sugayaa inuu soo magacaabo masharrixiinta u tartamaya labo kursi oo ka tirsan Aqalka sare.

KEYDMEDIA ONLINE  

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 December 2021 18:32

Boobkii doorashada ee sababay dilkii MW Soomaaliya iyo isku dhajintii xukunka ee keentay burburka dalka ayuu Farmaajo dib u soo celiyay, wuxuu diiddan yahay banneynta xaafiiska iyo hirgalinta doorasho xalaal ah.