Xilligii bad furanka oo la galay, maxaa iska bedelay Sicirka Suuqa?

Bartamihii bishan ayaa la gudda galay xilliga bad furanka, kaasoo sii socon doona 3 bilood ee inagu soo wajahan.

Warar Keydmedia Online
Xilligii bad furanka oo la galay, maxaa iska bedelay Sicirka Suuqa?

MUQDISHO, Soomaaliya - Kalluumeysatada ayaa sheegaysa in laga baxay xilligii bad xiranka, lana galay waqtiga bad furanka, oo ah marka ay badan tahay filashada faa'iidada kalluumeysatada.

Bartamihii bishan ayaa la gudda galay xilliga bad furanka, kaasoo sii socon doona 3 bilood ee inagu soo wajahan.

Kaluumeysatada ayaa sheegeysa in xilligan bad furanka ay yar tahay khatarta dhanka badda ee ay wajahayaan kalluumeysatada, oo taa baddelkeedana helaya faa'iido xad dhaaf ah.

Kalluumeysatada ayaa carabka ku dhuftay in maalintii badda laga soo bixiyo ku dhawaad 200 (labo boqol) oo isugu jir noocyada kala duwan ee xayawaanada badda ku jira, sida kalluunka, yaxaaska, aargoosatada iyo libaax baddeedka.

Suuqyada Muqdisho ayaa waxaa buux dhaafiyey noocyada kala duwan ee kalluunka, sida jeedalka iyo malay caddaha, kuwaasoo qiima jaban laga siinayo bulshada daneyneysa in ay iibsadaan.

Howlaha jilaabashada kalluunka ayaa hoos u dhacda xilliyada bad xiranka, waxana waqtigan oo kaasi lidi ku ah kordha doonyaha badda ugu ambabaxaya kalluumeysiga.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.