Xisbiga Cabdikariin Guuleed oo ku baaqay in lala tashado Xisbiyadda

Hoggaamiyaha Xisbiga Sahan ayaa sheegay in heshiiskii Dhuusamareeb ay ku jiraan qodobo u baahan dib-u-habeyn.

Warar Keydmedia Online
Xisbiga Cabdikariin Guuleed oo ku baaqay in lala tashado Xisbiyadda

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug, ahna hoggaamiyaha Xisbiga Sahan Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa soo dhaweeyay qodobadii ka soo baxay shirka Dhuusamareeb, isagoona sheegay in ay bilow u yihiin qabsoomidda doorasho wada ogol laga yahay.

Cabdikariin Guuleed ayaa sidoo kale sheegay in heshiiskii Dhuusamareeb ay ku jiraan qodobbo badan oo u baahan dib-u-habeyn iyo tafaasiil dheeri ah, sida maamulka doorashooyinka iyo qaab xulista ergooyinka

Halkaan Hoose ka Akhriso:

Waxaan soo dhoweynaya qodobbada heshiiska Dhuusamareeb3 oo dalka u jiheynaya doorasho la jaan qaadi karta waqtiga dhiman iyo duruufaha jira. Heshiiska waxaa ka muuqata inuu bilaaw fiican u yahay qabsoomidda doorashada wadar-ogol ah, wuxuuna daboolaya walaacii ummadda Soomaaliyeed ka qabtay hubanti la’aantii xilliga kala guurka ah.

Waxaan indhaha laga qabsan karin culeyska ay leedahay maqnaanshaha dowlad gobaleedyada Puntland iyo Jubbaland oo muhiim u ah wadajirka dalka iyo geeddi socodka doorashooyinka. Waxaana ku baaqayaa in la raadiyo oo lagu qanciyo hanaan suuro gelin kara dib eegis lagu sameeyo qodobada heshiiska si uu u noqdo mid loo dhan yahay oo taabo-gal ah.

Heshiiskan waxaa ku jira qodobbo badan oo u baahan dib-u-habeyn iyo tafaasiil dheeri ah, sida maamulka doorashooyinka iyo qaab xulista ergooyinka. Waxaa kaloo ka maqan kaalintii Xisbiyada Siyaasadda oo ah iyagu kuwii ku tartami lahaa doorashada loo adeegsanayo heshiiskan. Haddaba maadaama ay muuqato in aan laga maarmi doonin in habraac faahfaahsan loo sameeyo heshiiska oo qodobbada qaar la turxaan bixiyo, waxaan soo jeedineynaa in tallada lagu biiriyo xisbiyada siyaasadda inta aan Baarlamaanka loo gudbin.

Waxaan markale xoojinayaa muhiimadda ay leedahay in si dhaqso ah heshiiskan uu helo midnimo siyaasadeed, lana siiyo mudnaan gaar ah dadka aan looga maarmin hirgelinta doorasho la isla ogol yahay loona dhan yahay ,si uusan waqti kale uga khasaarin dalka iyo in laga fogaado in danno kale oo gaar ah loo adeegsado heshiiskan.

Gabagabadii waxaan u mahadcelinayaa maamulka iyo shacabka reer Galmudug oo ayagu martigaliyey qeyb weyna ku lahaa qabsoomidda shirarkii Dhuusamareeb ee is xigxigay.

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 20 September 2020 14:00

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa dhawaan shaaciyay inay magaalo kasta oo kamid ah Galmudug loo sameyn doono Golle degaanka, si shacabka ay usoo doortaan hogaamiyaasha ay doonayaan, oo aan dusha looga keenin.