Xisbiyada Mucaaradka Somaliland oo billaabay kulamo ay ku mideysan yihiin

Xisbiyada mucaaradka Somaliland Wadani iyo Ucid oo horay usameystay Isbahaysi ay ku mideysan yihiin ayaa maanta yeeshay kulankoodii ugu hirreeyay.

Warar Keydmedia Online
Xisbiyada Mucaaradka Somaliland oo billaabay kulamo ay ku mideysan yihiin

HARGEYSA, Somaliland - Xisbiyada Ucid iyo Wadani oo maalintii shalay ku dhawaaqay Isbahaysi siyaasadeed ayaa maanta yeeshay shirkoodii ugu horreeyay.

Shirkaan waxaa kasoo qeyb galay hoggaamiyaasha labada xisbi ee Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe iyo xildhibaanada labada xisbi uga soo baxay gobolka Maroodi-jeex.

Siyaasadda guud Somaliland ayaa u muuqata mid ay wax iska baddaleen, iyadoo xisbiyada mucaaradku heleen codadkii ugu badnaa ee labada gole kan wakiilada iyo kan deegaanka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.