Abaabulka Mooshin ka socdo Dhuusamareeb

Mooshinkaan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee laga keeno baarlamaanka Galmudug.

Warar Keydmedia Online
Abaabulka Mooshin ka socdo Dhuusamareeb

Dhuusamareeb, Soomaaliya – Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa sheegaya in uu halkaas ka socdo abaabulka mooshin ka dhan ah guddoonka baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal, sidee Keydmedia Online soo qortay Isniintii. 

Xogta ay heshay Keydmedia Online ayaa sidoo kale sheegeyso in ku dhawaad 40 xildhibaan ay haatan isku uruursanayaan in ay moohsinn ka keenaan goddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ay ku eedeeyeen xil gudasho la’aan.

Xildhibaanada ayaa guddoomiyaha ku eedeeyay safarro joogta ah iyo shaqo gudasho la’aan, taas oo ay ku micneeyeen in guddoomiyaha uu marwalba iska dhex fadhiyo Muqdisho, islamarkaana ay yartahay inta uu ku suganyahay Dhuusamareeb.

Sidoo kale waxay ku eedaynayaan in uu lacag ka badan Saddex boqol oo kun oo Dollar ($300, 000 Dollar) ku Kharash-gareeyay Xafiiskiisa gaarka ah, xilli Xildhibaannadu ay mushahar la’aan yihiin mudda saddex bilood ah.

Balse, warar kale oo ay Keydmedia Online heshay ayaa sheegaya in Mooshinkaas uu salka ku hayo arrimo siyaasadeed, ayna dabada ka riixayso Villa Somalia, si meesha looga saaro Guddoomiye Maxamed Nuur Gacal oo xiriir dhow la-lahaa Ra’iisul Wasaare Khayre.

Dhinaca kale xogta la helay ayaa tilmaameyso in uu jiro khilaaf ka dhex taagan goddoomiyaha moohsinka laga keenayo iyo labadiisa ku xigeen, taasoo xoojisay mooshinka xilka looga tuurayo guddoomiye Maxamed Nuur Gacal.

Xildhibaanada Galmudug ayaa la sheegayaa in aysan muddo saddex bilood ah wax mushaar ah qaadan, waxaana haatan socodo dedaallo ay madaxtooyada Galmudug ku joojineyso mooshinkaan, islamarkaana mushaaraadka xildhibaanada ku bixineyso.

Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa la doortay Bishii January ee sanadkaan, waxeyna doorashadiisa qeyb ka aheyd isbedelka siyaasadeed ee dhacay Galmudug oo sanadihii la soo dhaafay khilaaf la degay.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.