Maxaan ka ognahay doorashada Kismaayo?

Doorashada maanta ka qabsoomeysa Kismaayo waxay bilow u noqon doonta doorashooyinka sanadkan oo la rumeysan yahay inay ka duwanaan donaan doorashooyinkii hore.

Warar Keydmedia Online
Maxaan ka ognahay doorashada Kismaayo?

KISMAAAYO, Soomaaliya - Xarunta ku meel gaarka ah ee dowlad goboleedka Jubbaland, Kismaayo, ayaa dhawaan la filayaa in ay soo saarto Sanatarkii ugu horreeyay ee ka mid noqonaya Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, taas oo iba-fur togan u noqon karta hannaana doorashooyinka dalka.

Tartanka doorashada Aqalka Sare, ee Maamulka Jubbaland, ayaa la filayaa inuu noqdo midka ugu saameynta yar, marka loo eego maamullada kale, waxaana middaas loo aaneynayaa in Axmed Madoobe, uu ka shaqeeyay hannaan fudud oo saaxiibadiis ugu guuleysan karaan Kuraasta.

Sida ay Keydmedia Online u sheegeen ilo xog ogaal ah oo ku sugan magaalo madaxda Jubbada Hoose, qaar ka mid ah musharixiinta ayaa xalay lacag bixiyey, waxayna Baarlamaanka Maamulka Jubbaland xalay ku dhameysteen soo jeed iyo gorgortan ku aaddan lacagta cod siinta.

Kursiga la rumeysan yahay inuu ugu loolan adag yahay, ayaa dhex yaalla Ilyaas Badal Gaboose, Sharmaake Maxamed Cabdi Gaandi iyo Axmed Maxamed, hayeeshee, musharaxa ugu badan ayaa xalay qeybiyay $3000, taas oo ka dhigan in Kismaayo noqtay magaalada ugu loolanka yar.

Qaar ka mid Baratamayaasha, ayaa la soo warinayaa in aysan bixin doonin wax lacag ah, maadaama ay wataan musharixiin malxiis u ah, oo sida la sheegayo is casili doona marka hoolka doorashada gudaha loo galo.

Afarta kursi ee maanta soo bixi doona, waxaa la saadaalinayaa in kala noqdaan Ilyaas Badal Gaboose, oo aan saaxiib gooni ah la ahayd Madoobe, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo Iftin Xasan Baasto, oo ka mid ah difaacayaashii Madoobe, iyo musharrax Cabdirisaaq Xasan Cusmaan.

Doorashada maanta ka qabsoomeysa Kismaayo waxay bilow u noqon doonta doorashooyinka sanadkan oo la rumeysan yahay inay ka duwanaan donaan doorashooyinkii hore.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 18:56

Khabiir amni ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in la furo baariska dilkii Injineer Yariisow, si xal loogu helo, xaaladda cakiran ee la xariirta baarista kiiska Ikraan Tahliil Faarax, iyo saraakisha kale ee NISA.