RW Rooble oo qaaday tallaabo aysan mucaaradku ku farxin

Ra’iisul Wasaaraha Xil-gaarsiinta Rooble, ayaa fuliyay qeyb ka mid ah amar Farmaajo ka soo baxay todobaadkii hore, kaas oo salka ku haayay caro uu ka qaaday doorka dhex-dhexaadnimada ah ee ay qaadatay warbaahinta Qaranka.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo qaaday tallaabo aysan mucaaradku ku farxin

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta magacaabay agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Warfaafinta Dowladda Fadaraalka Soomaaliya.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumada Soomaaliya ayaa loo magacaabay Cabdullaahi Xayir Ducaale oo horey usoo noqday agaasimaha guud ee Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha, halka agaasimaha guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka lagu soo celiyay Saciid Cabdullaahi Calasow.

Sida ay Keydmedia Online u xaqiijiyeen ilo loo qaateen ah, oo ka tirsan howl-wadeennada sar-sare ee Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, magacaabidda agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, ayaa ah cadaadis ka yimid xaafiiska Farmaajo, kadib markii uu u dul qaadan waayay doorka dhex-dhexaadnimada ee ay qaadatay Warbaahinta Qaranka.

Isha xog-ogaalka ah ee KON la hadashay, waxa ay sheegtay in xaafiiska Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Farmaajo, uu dalbaday in Wasiirka Warfaafinta Cismaan Dubbe uu xilka ka qaado, Agaasimayaasha guud ee Wasaaradda, iyo agaasimayaasha Telefeshinka iyo Radiyaha Qaranka, todobaadkii hore.

Hayeeshee, Ra’iisul Wasaaraha ayaa, hakiyay xil ka qaadidaas, waxuuna sheegay in waraaq ka soo baxda xaafiiska Cismaan Dubbe, ay kicin karro xaalad siyaasadeed, wuxuuna ugu danbeyn isagoo fulinaya amarkii Farmaajo, maanta xilkii ka qaadday agaasimihii hirgaliyay nidam tifaftiran oo dhexdhexaad ah, isla markaana billabay in muxaafad iyo mucaarad loo sinaado warbaahinta Dowlladda.

Lama oga in Warbaahinta Qaranka ay sii wadi doonto tabinta wararka Mucaaradka, iyadoo ay xusid mudan tahay in maalmaha soo socda uu billaaban doono ololo doorshao oo xooggan.

KEYDMEDIA ONLINE.

Commenting is not available in this channel entry.