Xoghayaha Guud ee Danish Refugee Council oo qaabilay Max’ed Ahmed Caalin

Xoghayaha Guud ee Danish Refugee Council (DRC) ayaa xafiiskiisa ku qabilay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane Mohamed Ahmed Caalin iyo wafdiga uu hoggaaminayo.
Warar Keydmedia Online
Xoghayaha Guud ee Danish Refugee Council oo qaabilay Max’ed Ahmed Caalin

Madaxweyne Caalin wuxuu uga mahad celiyay Hay’adda hawlaha gargaarka iyo horumarinta bulshada oo ay ka wado deegaanka Galmudug.Madaxweyne Caalin wuxuu ballan qaaday iney Hay’adda ku gacan siin doonaan una fududeyn doonaan habsami u socodka hawlaha gargaarka iyo horumarinta bulshada ee Galmudug.

Waxaa kaloo halkaas ka hadlay Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ee Galmudug Dr. Mohamed Ali Nuur Haji wuxuuna ku bogaadiyay hawlaha ay Hay’adda DRC ka wado Galmudug, wuxuuna u ballan qaaday inuu xoojin doono xiriirka ka dhaxeeya Hay’adda iyo Galmudug.  

Madaxweyne Caalin wuxuu kaloo la kulmay Isuduwaha qaybta maalgelinta mashaariicda Qurba jooga Somalida ee Denmark (Diaspora Fund) Maja Halleen waxayna ka wada hadleen mashaariicda horumarinta bulshada deegaanka Galmudug waxay Maja sheegtay in mashaariicdaas loo soo marin doono ururada Qurbajooga Somalida ee Denmark (Danish organizations). 

Labada qaabilaad waxaa goob joog ka ahaa Guddomiayaha ururka Somalisk Forening for Genopbygning Dr. Yassin Ahmed Osoble, Mr Abdihakim Osman Warsame ”Ludo” oo xubin ka ah guddiga fulinta ee ururka iyo Mr. Abdulfatah Sheekh Biixi oo ka socday qaybta tababarka mashaariicda ee DRC.

Labada qaabilaad waxay ku soo dhamaadeen is afgarad iyo wada shaqeyn dhexmarta Dawlad Goboleedka Galmudug iyo DRC si loo sii wado gargaarka iyo hormarinta bulshada Galmudug.

Cabdixakiim Luudo