Xog hor leh oo ka soo baxday Drones-ka Zakariye

Kadib doorashadii Farmaajo, Zakariye, wuxuu ku faraq xirtay kooxda Fahad Yaasin, oo xag-jirnimada diimeed, midda qabyaaladda iyo heyb-naceybka gaarka ah biya dhigteen, una ciil-qaba daadinta dhiigga dadka Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Xog hor leh oo ka soo baxday Drones-ka Zakariye

MUQDISHO, Soomaaliya -  Diyaarado aan duuliye lahayn oo bishii hore lagu qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho, [Aadan Cadde], ayaa wali ku jira gacanta hay’adda Nabad-sugidda iyo sir-doonka Qaranka, kuwaasoo uu dalka keenay Zakariye Xaaji Cabdi, oo ka mid ah shqsiyaadka macaashka ugu jira siyaasadda Soomaaliya.

Diyaaradaha ku jira gacanta NISA, ayaa ah kuwa ‘Mugan UAV 3600’, oo ah nuuca loo yaqaan [Suicide Drones], isla-markaasna loo adeegsado dagaallada iyo dueqeynmaha gaarka ah, halka uu Zakariye sheegay inuu u keenay waraabka iyo buufinta beero ku yaalla Puntland.

Zakariye,  wuxuu dhawaan inkiray, in nuuca Drones-ka uu keenay Muqdisho ay yihiin ‘Mugan UAV 3600’, wuxuuna bogga uu Facebook ku leeyahay ku shaaciyay in diyaaradaha uu keenay ay yihiin nuuca “DJI P4 Multispectral RTK Drone” oo loogu talagalay hormarinta beeraha.

Inkiraadda Xildhibaanka, ayaa ku soo aadday ku dhawaad labaatan maalin kadib, markii laga hor istaagay inuu lix diyaaradood soo galiyo gudaha Caasimadda, waxaana soo baxay war sheegaya in Zakariye, Farmaajo iyo Fahad ku heshiiyeen in la daboolo kiiska, isla-markaana NISA, shaaciso in Drones-kaan ku soo qaldameen waddanka.

Hayeehsee, waraaqda ogollaanshaha ee ay kaga soo baxeen Turkiga, ee Zakariye, ku baahiyay baraha Bulshada, waxaa ku cad in nuuca diyaaraduhu yihiin MUGIN 3600, taas oo wax kama jiraan ka dhigeysa inkiraaddiisa nuuca diyaaradaha.

Taliye ku xigeenkii hore ee NISA, Ismaaciil Daahir Cusmaan, oo si weyn ugu dhuun-duleela arrimaha sirdoonka Soomaaliya, ayaa dhankiisa sheegay in Zakariye Mohamud Hajji Abdi uu Drones ku soo iibiyay adduun ka badan $750 kun oo dollar ama 7.8 milyan oo liro, sida ku cad receipt-ka uu bannaanka keenay.

Ismaaciil Daahir, wuxuu muujiyay shaki ah in Zakariye, uu hore dalka u soo galiyay diraarado intaan ka badan, “Droneska uu keenay waa kuwa loo istcmaalo in lagu xiro qaraxyada,  waxaan la qabtay 6 ka mid ah. Waxaa iga su’aal ah inta kale ma dalka ayeey hore u soo galeen”? Ayuu yiri.

Inta badan dadka u dhuunduleela arrinkaan, ayaa aaminsan in drones-kan la doonayay in lagu khaarijiyo siyaasiyiinta Mucaaradka, kuwa kalana lagu cabsi galiyo si ay dalka uga baxsadan, taas oo Fahad iyo Farmaajo u suura-galin karta dib u doorasho sahlan.

Zakariye Xaaji, wuxuu si weyn ugu dhowyahay Farmajo, wuxuu u ololeeyay muddo kordhintii sharcidarrada ahayd ee April, wuxuuna qeyb ka ahaa Xildhibaannadii labada sano ee dheeraadka ah Farmaajo siiyay, taas oo sababtay daggaaladdii dhamaadkii bishaas ka qarxay Caasimadda.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 8 December 2021 17:43

Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa qaaday tallaabo ay ku burburinayaan dhaqaalaha Muqdisho, waxaana magaalada la soo galiyay malaayiin doolar oo been abuur ah, halka mashiinno iyo daawooyin lagu nadiifinayo lacago sharci darro ah.