Xogo ku saabsan Shirka Rooble iyo Musharixiinta

Kulankan ayaa sida Keydmedia Online ogaatay la isku fahmay qodobo dhowr ah, balse uu Rooble diidan yahay inuu aqbali in Mucaaradka ka qeybgalaan Shirka doorashadda ee Farmaajo iyo Madaxda Maamullada.

Warar Keydmedia Online
Xogo ku saabsan Shirka Rooble iyo Musharixiinta

MUQDISHO, Soomaaliya - Kulan fool-fool ah ayaa Maanta gelinkii dambe uga furmay hotel Decale Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble [Rogane] iyo Musharixiinta Mucaaradka.

Keydmedia Online ayaa ilo ku dhaw kulanka ka ogaatay in qodobada laga wadahadlayo ay kamid yihiin dhacdadii 19-ka Febuary ee lagu weeraray Madaxdii hore, rasaastii lagu furay banaanbaxayaasha oo mucaaradka dalbaday in raali-gelin dowladda ka bixiso, lana baaro cidii amarka bixiso.

Qodobka ugu adag ee la isku mari la'yahay ayaa ah in Musharixiinta ay ka qeybgalaan shirka doorashadda ee u dhaxeeya Farmaajo iyo Madaxda Maamul Goboleedyada dalka.

Macluumaadka KON ayaa intaasi ku daraya in Rooble uu ogolaadey qaar kamid ah shuruudaha Mucaaradka, balse ka caga jiidayo inuu aqbalo Musharixiinta ay qeyb ka noqdaan wadahadallada arrimaha doorashadda.

Rooble ayaa isna dalbaday in banaanbaxa berri dib loo dhigo, si looga hortago dagaal kale oo Muqdisho ka dhaca, kaasoo aad loo hadal-hayo, sidoo kalena abuuray cabsi keentay in shacabka ku nool agagaarka Daljirka Dahsoon ay qaxaan.

Rooble ayaa u muuqda inuu yahay shaqsi gadaal fiirinaya oo go'aannada qaar iyadoo Farmaajo iyo Fahad Yaasiin aan ogeyn uusan qalinka ku duugi karin, oo ka baqayo in fulintooda ku adkaato.

Muqdisho oo dhan ayaa isha lagu hayaa waxa kasoo bixi doono shirka hotel Decale ka socda, iyadoo Caawa dadka xili horey guryahooda ku xaroodeen, maadaama ay wadooyinka Ciidamo badan taagan yihiin.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.