Xogta dagaal saakay ka dhacay gobolka Galgaduud

Al-shabab ayaa mar kale doonaya iney la wareegaan deegaan laga qabsaday.

Warar Keydmedia Online
Xogta dagaal saakay ka dhacay gobolka Galgaduud

Waaberigii saakay ayaa dagaal xooggan waxa uu ka dhacay deegaanka Miir-dugul ee gobolka Galgaduud, waxaana uu u dhaxeeyey ciidanka DFS iyo kuwa Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa isku dayey iney mar kale la wareegaan gacan ku haynta deegaankan, waxaana la sheegay in weerar culus ay soo qaadeen.

Waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dhinacyadii dagaallamay iyo dad rayid ah, balse weli lama hayo xogta rasmiga ah ee khasaaraha inta uu la egyahay.

Deegaanka lagu dagaallamay waxaa hadda si buuxda gacanta ugu haya ciidanka dowladda federaalka ah, waxaana mararka qaar la maqlayaa rasaas goos-goos ah oo dhacaysa.

Ciidanka xoogga dalka ayaa gobolka Galgaduud ka wada howlgallo ka dhan ah Al-shabaab, maadaama Al-shabaab ay maamulaan qaar ka mid ah deegaannada gobolkaasi.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.