Xogta Ganacsato caan ah oo lagu xiray Muqdisho

Dowladda ayaa dhib ku haysa dadka ganacsatada ah, iyada oo aanay markii hore ammaankoodu sugeynin.

Warar Keydmedia Online
Xogta Ganacsato caan ah oo lagu xiray Muqdisho

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay ganacsato caan ah oo ku sugan magaalada Muqdisho, kadib markii lagu eedeeyey iney xiriir la sameeyeen Al-shabaab.

Ciidamo si gaar ah u tababaran ayaa xabsiga dhigay ganacsato dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen Maxamuud Cumar Cadaan iyo sidoo kale Cadceed Xaashi, kuwaasi oo si aad ah looga garanayo magaalada Mudisho.

Sidoo kale, ciidamada DFS ayaa xabsiga dhigay xubno kale oo ka tirsan guddiga gaadiidleyda, waxaana dhammaantood la geeyey sida la sheegay xarunta nabad sugidda.

Hay'adaha ammaanka ee DFS ayaan jirin wax faah faahin ah ee ay ka bixiyeen xarigga ganacsatadan, iyadoo tan iyo markii la xiray raggan ay dedaal wadeen ganacsato kale.

DFS ayaa horey uga digtey iney ganacsatada xiriir la sameeyaan Al-shabaab, ciddii lagu arkana tallaab adag laga qaadi doono.

Inkastoo ay dowladda u hanjabtay ganacsatada ayaa dhanka kale waxay Al-shabaab lacago ka qaadaan ganacsatada wax kala soo dega dekadda Muqdisho.

Al-shabaab ayaa sidoo kale lacago waxay bil kasta ka qaadaan Hoteellada Muqdisho iyo xarumaha ganacsi kale.

Dowladda ayaan sugi karin ammaanka ganacsatada, waxayna taasi keentay iney ganacsatada bil walbo iska bixiyaan lacago baad ah, si aanay dhibaato ula kulmin.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.