Xogta Keydmedia: Gudoomiyahii Kooxda Shabaab ee Jowhar oo Shabaabku Xireen!

Jowhar (Keydmedia) - Sida Keydmedia ay u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay Gudoomiyihii Kooxda Shabaab ee Magaalada Jowhar Maxamed C/llaahi ayaa Xabsi ku yaalla halkaasi loo taxaabay kadib markii lagu soo eedeeyay inuu leexsaday raashin loogu tala galay in loo qeybiyo dad danyara ah.
Warar Keydmedia Online
Xogta Keydmedia: Gudoomiyahii Kooxda Shabaab ee Jowhar oo Shabaabku Xireen!

Xariga Gudoomiyaha Jowhar oo  uu ka dambeeyay Gudoomiyaha Gobbolka Shabeellaha Dhexe ee kooxda Shabaab Yuusuf Kaba-kudukade ayaa loo taxabay xabsi ku yaalla xaruntii hore ee hay'ada UNICEF ay ku laheyd Magaalada Jowhar.

Kaba-kutukade ayaa Gudoomiyaha Jowhar ee Kooxda Shabaab ee xasbiga loo taxaabay ku eedeeyay inuu leexsaday raashiin ay keentay Hay'adda Islamic Relief kaasoo la doonayay in la siiyo dadka ku dhibaateysan Magaalada Jowhar iyo nawaaxigeeda.

War ka soo baxay Maamulka Kooxda Shabaab ee Gobbolka Shabeellaha Dhexa ayaa lagu sheegay in Gudoomiyaha Jowhar la hor keeni doono Maxkamada islamarkaana la marsiin doono waxa ay shareecada ka qabto sida warkaasi lagu sheegay.

Dhacdadaan ayaa maanta si aad ah looga hadal hayaan guud ahaan dalka, waana markii ugu horeysay oo horjooge ka tirsan kooxda Shabaab xabsiga loo taxaabo.

Keydmedia.net - Xafiiska Kismaayo