Xoogga dalka iyo AMISOM oo bilaabaya howlgal wadajir ah

Howlgallaldan ayaa lagu baacsan doonaan Al-shabaab.

Warar Keydmedia Online
Xoogga dalka iyo AMISOM oo bilaabaya howlgal wadajir ah

Taliska ciidanka xoogga dalka iyo AMISOM ayaa isku raacay in la dar-dargeliyo howlgallada lagu baacsanayo Al-shabaab, islamarkaana la dhiso unug ciidan oo isku dubarida howlgallada wadajirka ah.

Kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen maamullada ciidamada AMISOM iyo taliska ciidanka xoogga dalka ayaa lagu falanqeeyey sidii Al-shabaab looga saari lahaa gobollada ay dalka ka maamulaan.

Waxaa kulankan hoggaaminayey Taliyaha ciidamada dhulka ee xoogga dalka Cabaas Amiin Cali iyo taliyaha ciidamada AMISOM Diomede Ndegeya, waxaana ay isku raceen muhiimadda howlgalladan ay leeyihiin iyo dhismaha unugan isku duwaya howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab.

AMISOM oo dalka ku sugan tan iyo sanadkii 2017-kii, ayaan si buuxda uga caawin dowladda Soomaaliya in amniga dalkeeda hanato.

Sanadihii ugu dambeeyey ayeey dowladihii Soomaaliya soo maray bilaabeen iney dib u dhis ku sameeyaan ciidanka xoogga dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.