Xoolo u geeriyooday cudurka kudka

Muqdisho(Keydmeida) Warar aynu ka helnay Gobalada Sh.hoose iyo Bay ayaa sheegaya in halkaasi ay ka jiraan dhibaatooyin baahsan oo soo wajahay xoolaha nool.
Warar Keydmedia Online
Xoolo u geeriyooday cudurka kudka

Tuulooyin ay ka mid yihiin Sagaaro Goob, kabahirig iyo kuwa kale oo ka kale tirsan Bay iyo Sh.hoose ayaa la soo sheegayaa in 70 neef oo xoola ah ay ugu geeriyoodeen cudurka kudka.

Xoolaha geeriyooday ayaa isugu jira Geel, lo’ iyo Ari waxaana cabasho balaaran iminka ay ka soo yeeraysaa xoola dhaqatada deegaanka ku nooleed.

Dadka ku nool tuulooyinkaasi ayaa ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed in ay u soo gurmadaan si looga samatabixiyo dhibaatada.

www.keydmedia.net