Xubin sare oo ka mid ahayd TPLF oo oo isku dhiibtay dowladda Itoobiya

Xubin sare oo ka tirsaneed Jabhadda TPLF ayaa isku soo dhiibtay Dowladda Federaalka Itoobiya.

Warar Keydmedia Online
Xubin sare oo ka mid ahayd TPLF oo oo isku dhiibtay dowladda Itoobiya

Sida ay baahisay wakaaladda Wararka Qaranka Itoobiya waxaa ciidamada dowladda Federaalka Itoobiya isku soo dhiibay Afhayeenkii hore ee Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Itoobiya Keria Ibrahim. Keria ayaa kamid aheyd 9-ka xubnood ee Golaha Fulinta ee jebhada TPLF.

Keria Ibrahim ayaa xilka Afhayeenka iska casishay 9-kii June ee sanadkan kadib markii ay saluugtay dib u dhigiddii doorashooyinka guud ee Itoobiya ee lagu waday in ay dhacdo bishii August sanadkan.

Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa masuuliyiinta sare ee Jabhadda TPLF ugu baaqday in ay raacaan waddada Keria ayna isu soo dhiibaan ciidamada qaranka Itoobiya.

Dagaal qaatay muddo saddex todobaad ah kadib dowladda federaalka Itoobiya ayaa iclaamisay in ay gacanta ku dhigtay magaalada Maqalle ee xarunta Ismaamulka Tigray.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa shaaca ka qaaday in lasoo afjaray howlgalkii sharciga ahaa ee lagu qaaday Tigray isaga oo tilmaamay in ay gacanta ku dhigeen guud ahaan magaalooyinka waaweyn ee ku yaalla Gobolka Tigray.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.