Xubnaha Beesha Caalamka oo rajo ka muujinaya wadahadallada

Qaar kamida wakiilada xubnaha beesha caalamka ee ka qeyb galaya shirka maanta uga socda madaxda dowlad goboleedyada xerada Xalane ayaa boogaadiyay iyagoo muuiyay in ay rajo wanaagsan ka qabaan shirka.

Warar Keydmedia Online
Xubnaha Beesha Caalamka oo rajo ka muujinaya wadahadallada

MUQDISHO, Soomaaliya - Shir ay isugu yimaadeen madaxda dowlad goboleedyada iyo qaar kamida xubanaha wakiilada beesha caalamka ayaa weli ka socda xerada Xalane, waxaana lagu boogaadiyay madaxda dowlad goboleedyada in shirka natiijadiisa ay noqoto mid wanaagsan umaddana dan ugu jirto.

Waxaan ku faraxsanahay in la igu casuumay kulan ay igu wehliyeen saaxiibbada kale ee caalamiga ah si aan wada-hadal ula yeelanno shanta hoggaamiye ee Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka" ayuu yiri wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. James Swan oo ka qeyb galay shirka

Wakiilka ayaa intaa sii raaciyay "Waxaan soo dhoweyneynaa dadaalka wadajirka ah ee Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka si loo helo tanaasul, isla markaana kulanka Dowladda Faderaalka ah iyo kuwa heer gobol uu horay ugu sii socdo dhanka doorashooyin ku saleysan hannaankii doorasho ee 17-kii Sebteembar"- ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, kaddib kulankii maanta.

Danjiraha Dowladda UK ufadhisa Soomaaliya Kate Roster ayaa soo dhaweysay dadaallada sii socda ee hoggaamiyeyaasha xubnaha ka ah dowladda dhexe si loo helo waddo wadajir oo horay loogu socdo. "Waxaan ku dhiirigelinaynaa dhammaan inay helaan waddo horay loogu sii wado shirarka udhaxeeya dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah oo lagu sii wado doorashooyinka iyadoo lagu saleynayo heshiiski 17 -ka Sebtember" ayey tiri DanijE Kate oo qoraal kooban kusoo qortay barteeda Twitter ka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.