Xubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay howlgal ka dhacay Hiiraan

Howlgalkaan ayaa ahaa mid ay sii qorsheeyeen ciidanka xoogga dalka.

Warar Keydmedia Online
Xubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay howlgal ka dhacay Hiiraan

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in howlgal ballaaran oo ay ka sameeyeen inta u dhaxeysa degmooyinka B/weyne iyo Jalalaqsi ay ku dileen xubno ka tirsan Al-shabaab.

Taliyaha qeybta 27-aad  ee Ciidamada Dowladda Jeneraal Axmed Maxamed Tareedishe ayaa sheegay in howlgalkaan uu ahaa mid qorsheysan, islamarkaana ciidamadu ay sidoo kale qabsadeen hub ay Al-shabaab wateen.

Tirada inta ay ka dileen Al-shabaab ma aanu sheegin taliyaha, hase ahaatee ciidanka xoogga dalka ayaa muddooyinkan howlgallo ballaaran ka wada Hiiraan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.