Xubno ka tirsan FEIT oo xal raadin u tagaya Baydhabo

Xubno ka mid ah Guddiga doorashooyinka Heer Federaal [FEIT], ayaa maanta ku wajahan Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, halkaas oo saacadaha soo socda laga sugayo go’aan cusub oo ku aaddan qaar ka mid ah kurasta xayiran.

News Keydmedia Online
Xubno ka tirsan FEIT oo xal raadin u tagaya Baydhabo

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Federaal, ayaa ku dhawaaqay in xubno ka mid ah Guddiga ay maanta u amba-baxayaan magaalada Baydhabo, si xal looga gaaro tabashada Koofur Galbeed, xilli berri oo ku beegan 14-ka April, loo ballansan yahy dhaarinta Xildhibaannada labada Gole.

In ka badan 70 Xildhibaan oo aan qaadan shahaadada FEIT, ayaa ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, kadib gadood ka dhashay saddex kursi oo Guddiga heer Federaal, ay KGS dib ugu celiyeen doorashadooda, isla-markaana wax kama jiraan ka soo qaadday habraacyadii lagu doortay.

Socdaalka xubnaha FEIT, aya ku soo beegmay, xilli uu Guddiga doorashooyinku wajahayo cadaadis xooggan oo gudaha iyo dibadda leh, kaasoo ay gadaal ka riixayaan danjirayaasha, ugu dhaqdhaqaaqa badan wakiillada Beesha Caalamka ee  Muqdisho ku sugan, kuwaas oo ka soo hor jeeda in la kala reebo Xildhibaannada.

Xubnaha FEIT, ee ku wajahan Baydhabo, ayaa la rumeysan yahay in ay fasixi doonaan ugu yaraan labo kursi, halka ay hoggaanka maamulkaas, kala heshiin doonaan, sidii loo qaban lahaa doorashada kursiga kale, iyagoo waliba oggol in uu dib ugu soo laabto Xildhibaanka ay hore ansixinta natiijada doorashadiisa u diideen.

Sida xoguhu sheegayaan Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Federaal iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa doonaya in doorashada kursiga HOP086, lagu qabto magaalada Mudisho, kaasoo bishii Feberaayo Fahad Yaasiin ku soo boobay magaalada Baladweyne.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, ayaa ku sugan Baydhabo, xilli uu fashilmay isku day isaga iyo wafti la socday doonayeen in xal degdeg ah looga gaaro muranka jira, si Xildhibaannada maamulkaas, uga qeyb galaan dhaarinta Xildhibaannada, oo saacado kooban ka dhiman yihiin.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.